Taliska Mareykanka ee Qaaradda Afrika (Africom), ayaa ka hadlay wararka ku aadan in duqeyntii shalay galab ka dhacday Degmadda Jilib ee Gobolka Jubada Dhexe in lagu dilay Madaxii Shirkadda hormuud ee Degmadaas.
Sarkaal sare oo ka tirsan howlgalka Mareykanka Afrika ee AFRICOM oo ka hadlay warkaan ayaa sheegay in aysan heynin warar la xiriira in duqeyntii Jilib lagu dilay Madaxii Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ee Degmadaasi.
Waxa uu Sheegay in baaris kadib ay soo gudbin doonaan natiijada uga soo baxda, maadaama aysan hayn in qof shacab ah waxyeelo ka gaartay howlgalka ay wadajirka u fuliyeen.
Taliska ayaa sheegay in ay duqeynta ay isla ogaayeen Dowladda Federalka Soomaaliya, islamarkaana ay bartilmaameedsadeen xubin katirsan Al-Shabaab.
Duqeyntii shalay ka dhacday Degmadda Jilib ee Gobolka Jubadda hoose waxaa lagu dilay Maxamuud Xaaji Salaad oo ahaa wakiilki Shirkadda Hormuud Laanta Degmada Jilib ee Gobolka Jubada Dhexe.

