Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman ayaa la kulmay Wakiilo ka kala socday Qaramada Midoobey, Mareykanka iyo Safiirada dalalka Leesku yiraahdo (Copenhegan Group), oo ah Safiirada dalalka saaxiibka dhow la ah Somaliya.
Labada dhinac ayaa waxay kulankan diiradda ku saareen doorashooyinka lagu wado inay dalka ka dhacaan 2020/2021.
Qoraal lagu daabacay bogga Golaha Shacabka uu ku leeyahay Facebook ayaa lagu sheegay in Safiirada, ay Baarlamaanka Somaliya ku ammaaneen doorkooda kaga aadan samaynta sharciyada doorashooyinka dalka.
“Safiirada ayaa ku ammaanay Baarlamaanka Somaliya hawlaha ay hayaan, ee la xiriira arrimaha doorashooyinka, gaar ahaan samaynta sharciyada muhiimka u ah doorashooyinka dalka. Sidoo kalena waxa ay ammaaneen horumarada kala duwan ee ay gaartay Dowladda Federaalka Somaliya.” Ayaa lagu yiri qoraalka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa 20-kii bishan saxiixay Sharciga Doorashooyinka Qaranka, oo ay horey u soo meelmariyeen Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliya.



