Shabaab oo Soo Bandhigay Gaadiid iyo Hub ay ku Qabsadeen Dagaalkii Ceelsaliini (Sawirro).

0

Al-shabaab ayaa soo bandhigay Gaadiid dagaal iyo hub ay sheegeen in ay ku qabsadeen dagaalkii ay ku qaadeen Saldhiga Deegaanka Ceel-saliini ee Duleedka Magaaladda Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Xafiiska warfaafinta Xarakada Al Shabaab ayaa faafiyay qeybta labaad ee sawirrada dagaalkii khasaaraha badan dhaliyay ee ka dhacay saldhigga ciidanka dowladda ee deegaanka Ceelsaliini ee duleedka magaalada Marka.

Sawiradda lasoo bandhigay ayaa muujinaya gaadiid dagaal iyo saanado melleteri oo Al Shabaab ay kusoo furteen dagaalkii Ceelsaliini.

Al-shabaab ayaa shalay baahiyay Meydadka ciidamo ka Tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya,kadib weerar ay ku qaadeen Saldhiga Deegaanka Ceel-saliini ee Duleedka Magaaladda Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here