maraykanka oo duqeyn ka geeystay Koonfurta Somaaliya

0

Taliska mareykanka ee qaaradda Africa ayaa faah faahin kabixiyay duqeyn ay kafuliyeen qeybo kamid ah koonfurta Somalia gaar ahaa gobalka jubbada dhexe.

Taliska mareykanka ee qaaradda Africa ee magacooda loo soo gaabiyo Africom ayaa shaaca kaqaaday in duqeymo qasaare kaladuwan geeystay ay kafuliyeen qeybo kamid ah degmada saakoow ee gobalka jubbada dhexe.

Taliska mareykanka ee qaaradda Africa  ayaa warsaxaafadeed ay soo saareen waxa ay kusheegeen in ay duqeymo kafuliyeen qeybo kamid ah degmada saakoow ee gobalka jubbada dhexe waxa ayna intaasi kudareen in duqeyntaasi ay kudileen 2 xubin oo katirsan dagaalyahannada Alshabaab islamarkaana ay kudhaawaceen 1 xubin oo katirsan Alshabaab.

Taliska mareykanka ee qaaradda Afrca ayaa hoosta kaxariiqay in wax qasaare ah aysan kasoo gaarin dad shacab ah waxaana ayna ballanqaadeen in ay sii wadi doonaan taageerada ay siiyaan dowladda federaalka Somalia.

Mareykanka ayaa kordhiyay duqeymaha ay kafulinayaan qeybo kamid ah koonfurta Somalia gaar ahaan gobalka Jubbada dhexe tan iyo markii lagudagalay sanadda cusub ee 2020.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here