Dowladda Federaalka Soomaaliya uu hogaamiyo Madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), ayaa la sheegay in Dowladda Kenya ay u gacan galinayaan Badda-Soomaaliya oo Kiiskeeda laga soo weecinayo Maxkamada ICJ ee dalka Holland.
Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa sheegay in Madaxda Dowladda Soomaaliya ay siyaasadeeyeen kiiska Badda ee labadda dal,islamarkaana la doonayo in loo gacan galiyo Kenya.
Waxa uu sheegay in khalad ay tahay In Madaxda Dowladda ay gacanta la galaan arrimaha Badda,kaliyah loo daayo dadka loo xilsaaray ee qareenadda ah.
Sidoo kale waxa uu sheegay in Madaxda Dowladda Sida Madaxweyne Farmaajo iyo Raisulwasaare Xasan Cali Kheyre ay doonayaan in doorashadda 2021-ka ay kusoo galaan kiiska Badda, mise dib loo dhigo xiliga doorashadda loo balansan yahay.

