Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal u dhaxeeyay ciidamadda Dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab oo saakay ka dhacay deegaano katirsan gobolka Shabeelaha Hoose.
Dagaal lagu daah furay gaari walxaha qarxa lagasoo buuxiyay oo uu kaxaynayay dagaalyahan naftiis hure ah ayaa ka dhacay saldhigga Ciidamadda dowladda ee deegaanka Ceelsaliini duleedka magaalada Marka.
Dagaal saacado socday ayaa dhexmaray ciidamadda Dowladda Soomaaliya iyo Shabaab-kii weerarka soo qaaday,waxaana u suurta gashay Al-shabaab in ay la wareegaan gacan ku heynta deegaanka Ceel-saliini.
Dhanka kale ciidamadda Al-shabaab ayaa weerar kale kula wareegay gacan ku haynta degmada Qoryooleey ee Shabeelaha Hoose,kadib markii weerar ku ekeeyeen.
Ciidamada AMISOM ee saldhigga ku leh deegaanka Mashallaay ayaa dagaalka madaafiicda goobta uga qeyb qaadanayay kadib markii ay weerar xooggan kala kulmeen xoogaga Al Shabaab.
Ilaa haatan lama oga khasaarha ka dhashay dagaalka xalay ka dhacay Deegaano ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfurta dalka Soomaaliya.

