Wararka aan kahelayno magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubada hoose ayaa ku warramaya in uu magaaladaasi dagaal ka socdo.
Sida la sheegay dagaalka ayaa u dhexeeya ciidanka maamulka jubbaland iyo kuwa Cabdinaasir Seeraar, goobjoogayaal ayaa inoo sheegay in dagaalku uu qarxay kadib markii ciidanka Cabdinaaasir Seerar laga celiyay waddo u xirnayd ciidanka Jubbaland.
Cabdinaasir Seeraar ayaa isna waxaa uu sheegtay in uu yahay madaxweynaha maamulka Jubaland,
Dagaalka ayaa socda waxaan labada dhinac ay is weydaarsanayaan hubku nuucyadiisa kala duwan, waxaana, ammaanka magaalada kismaayo ayaa saaka la adkeeyay, waxaana magaalada kismaayo gaaray safiirka dalka maraykanka soomaaliya u fadhiya, Amb, Donald Yamamoto.

