Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen),ayaa magacaabay Guddi ka kooban saddex iyo toban xubnood.
Qoraal kasoo baxay Xafiiska Madaxweyne Lafta Gareen ayaa lagu sheegay in Guddiga la magacaabay ay soo qiimeyn doonaan dadka sida sharcidarada u dhistay inta u dhaxeyso Isbitaalka weyn ee Baydhabo iyo Garoonka Diyaaradaha.
Guddigaan waxaa gudoomiye looga dhigay Maxamed Xuseen Xasan, Wasiirka Cadaaladda Koonfur Galbeed Soomaaliya.


