Maxamed Cabdullaahi Mxamed ( Farmaajo) Madaxweynahan Dalka ayaa saxiixay sharciga Batrolka Dalka Soomaaliya.
Sharciga Batroolka oo ay horay ay usoo meel mariyeen Labada aqal ee Baarlamaanka ayaa hor yaalay madaxweynaha isagoo ugu danbeytii saxiixay sharciga Batroolka.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay faa’iidooyinka uu shacabka iyo Dowladnimada Soomaaliya uu leeyahay sharcigan oo hagaya xuquuqda muwaadiniinteennu ay u leeyihiin in looga faa’iideeyo barwaaqada iyo khayraadka ceegaaga dhulkeenna, waxaana sharcigaan ka faa’idaysan doona dhammaan umadda soomaaliyeed.
Waxaa madaxwene Farmaajo uu uga mahadceliyay dhammaan intii ka kasoo qayb qaadatay sharcigaan, oo ay ug horreeyaan labada aqal ee Baarlamaanka, golaha Xukuumadda iyo dhammaan Khubaradii ka qayb qaatay shacigaan.

