Kooxo hubeysnaa ayaa caawa dil ka geystay Magaaladda Magaaladda
Falkaan dilka ah ayaa ka dhacay Xaafadda Suuq Boocle Degmadda Dharkinley ee Gobolka Banaadir.
Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal rag hubeysnaa ayaa dilay nin Moos ku iibinayay suuqaas,waxayna ka baxsadeen goobta uu dilka ka dhacay.
Ninka la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Hilowle.
Ciidamo ka Tirsan Kuwa Dowladda Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu dilka ka dhacay waxaana Socda howlgal lagu baadigoobayo ragii dilka geystay.

