Dowladda Soomaaliya oo Sheegtay In uu Xabsiga ka Baxsaday C/rashiid Janan.

0

Taliska Ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in uu baxsaday wasiirkii Amniga Maamulka Jubbaland C/rashiid Janan, oo ku xirnaa xabsi ku yaala Magaaladda Muqdisho.

Taliye Ku-xigeenka Ciidanka booliska Soomaaliyeed Zakia Huseen Oo qoraal soo dhigtay barteeda Twiteerka ayaa warkaan xaqiijisay.

“Wasiirkii hore Amniga Jubbaland Cabdirashid Xasan (Janan) ayaa saakay ka baxsaday halkii u ku xirnaa, heyadaha amniga ayaa ku raad jooga, inay gacanta kusoo dhigaan eedeysanahaas oo loo haysto danbiyo kala duwan, shacabkuna ay soo wargaliyaan hadii ay arkaan”, ayay tiri Zakia Huseen.

Lama oga cid u fududeysay in uu baxsado wasiirka amniga Jubbaland,iyo waqtiga uu baxsaday.

C/rashiid Janan ayaa u xirnaa eedo la xiriira Binidaadanimo,waxaana lagu qabtay garoonka muqdisho xili uu u socday Magaaladda Addis Ababa.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here