Al-shabaab oo Shaaciyay Magaca iyo Qabiilka Mid Kamid ah Ragii Isku Qarxiyay Hoteel Syl

0

Al-shabaab ayaa soo bandhigay Magaca Mid kamid ahaa dagaalyahanadii Isku Qarxiyay Hoteelka Syl ee Magaaladda muqdisho sanadkii hore.

Mu’assasada Al-kataa’ib oo ah garabka warbaahineed ee Xarakada Alshabaab ayaa soo saartay Filim cusub,kaasi oo lagu soo bandhigay dardaarankii ay ka tageyn ragii fuliyay weerarka.

Flimkaan waxaa kasoo muuqanaya Jaabir Cabdullaahi Xasan, ooo ka dhashay beesha Mareexaan,kaasi oo shabaab muddo badan ka tirsanaa,wuxuuna ku dhashay jubooyinka.

Dagaalyahankan ayaa weerar naf hurnimo ku galay Hotelka SYL ee kaabiga ku haya xarunta madaxtooyada Villa Somalia ee magaalada Muqdisho, weerarkaas ayaa sababay khasaare soo gaaray askar iyo mas’uuliyiin katirsanaa dowladda.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here