Al-shabaab ayaa seddex ruux waxaa ay toogasho kula fuliyeen degmada Kamsuuma ee Gobolka Jubada Hoose, waxaana ay falkaan ka fuliyeen shabaab Goob fagaare ah oo ay dadka degmada isugu yeereen.
Seddexda ruux ee la toogtay ayaa shabaab waxaa ay ku eedeeyeen in ay la shaqaynayeen dowladda federalka iyo qaar ka mid ah waddamada taageera Dowladda Soomaaliya, waxaana ay sheegeen shabaab in ay ahaayeen seddex askari raggaan ay toogteen.
Askarta ay shabaab toogashada ku fuliyeen ayaa kala ah:
1: Muuse Xuseen Siyaad oo ay Al-Shabaab sheegeen in uu ka tirsanaa Ciidamada Mareykanka uu tababaray ee Bangaraafta,kaas oo ay sheegeen inay kasoo qabteen wadada u dhaxeysa Walanweyn & degmada Afgooye.
2: Xuseen Max’med Cabdi Arsal oo ay Al-Shabaab ku sheegeen in uu katirsanaa Ciidamada Dowlad Goboleedka Jubbaland gaar ahaan kuwa Daraawiishta ee ka howlgala Baar Sanguuni.
3: Falliir Yaroow Cali oo 75 sana jir ah kaas oo Shabaab sheegeen in uu la Shaqeynayey Ciidamada Kenya oo kamid ah AMISOM gaar ahaan kuwa ku sugan deegaanka Hoosingoow ee Jubbada Hoose.
Alshabaab ayaa inta badan waxaa ay dilal ku fuliyaan shaqsiyaad ay ku eedeeyaan in ay la shaqaynayeen dowladda dhexe iyo Dawladaha taageera, waxaana tira dhowr jeer ay shabaab horay u fuliyeen falal nucaaan ah.

