NISA oo Soo Bandhigtay Fanaankii Shabaab noqday

0

Hay’adda Nabadd Sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya ayaa soo bandhigtay Fanaan sheegay in uu ka Tirsanaa Al-shabaab,kaasi oo dhawaan la xiray.

Qoraal lagu baahiyay barta Twitterka Nisa ayaa lagu sheegay in Abshir Gaarane axmed uu ka Tirsanaa Alshabaab.

“Abshir Gaarane Axmed oo ka tirsan Kooxda Fanka Gobalka Banadir, una qaabilsanaa Al Shabaab xuuraanka & maaliyadda ayaa dabagal dheer ka dib NISA gacanta ku soo dhigtay, iyadoo loo gudbinayo Hay’adaha Garsoorka.”

Dhanka kale Abshir ayaa qirtay in uu ka Tirsanaa Al-shabaab,kuna biiray sanadkii 2013-kii.

Al Shabaab waxaan la shaqo bilaabay 2013-kii, shaqadeeda waxaa waaye Fanaan, waxaana ka shaqeeyaa Gobolka Banaadir, qaybtiisa Fanka iyo Suugaanta. Aniga waxaan u qaabilsanaa qaybta macluumaadka iyo dhanka maaliyadda.” Ayuu yiri Abshir Gaarane.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here