Al-shabaab oo War Kasoo Saaray Fanaan Abshir Gaarane Axmed

0

Hogaanka Al-shabaab ayaa beeniyay war kasoo baxay Hay’adda NISA ee ku aadan in Fanaan la shaqeynayay al-shabaab gacanta lagu hayo.

Warbaahinta Shabaab ayaa baahisay in Abshir Gaarane Axmed uusan shabaab kamid aheyn,islamarkaana war kasoo baxay Nisa uu yahay mid xaqiiqda ka fog.

Sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa  sheegay in shakhsiga lagu magacaabo Abshir Gaarane Axmad ee sirdoonka DF ay ku sheegeen inuu ka tirsanaa shaqaalaha maamulka gobolka banaadir.

Dhanka kalena Al-Shabaab u qaabilsanaa dhanka xuuraanka iyo maaliyadda uu gabi ahaanba yahay war aan sax ahayn isla markaana shakhsigaas la magacaabay uusan wax xiriir ah haba yaraatee la lahayn Shabaab.

“Ninka muuqaalkiisa lagu faafiyay warbaahinta ee lagu magacaabay Abshir Gaarane Axmad ma aha nin wax xiriir ah lalahaa Mujaahidiinta ama la shaqayn jiray,tallaabada ay qaadeen ee ay ninkaas eedaha noocaas ah ugu soo jeediyeen waa arrimo lagu yaqaanno oo iyaga dhexdooda ay dhibaato isku geystaan, qaarkoodna eedo aanan jirin ay dusha iskaga tuuraan iyagoo xilal ama dhaqaale kala riixanaya” ayuu yiri Sarkaalka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here