Musharixiinta Galmudug oo Dalab u Gudbiyay Guddoonka Baarlamaanka Galmudug

0

Guddoonka Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa kulamo gooni ah waxa ay magaaladda Dhuusa-mareeb kula qaateen, qaar kamid ah Musharixiinta xilka Madaxweynaha Maamul Goboleedka Galmudug.

Musharixiinta kala ah C/raxmaan Odawaa, Kamaal Guutaale, C/laahi Dheere iyo C/laahi Wehliye oo dhawaan ku midoobay magaaladda Dhuusa-mareeb ayaa la kulmay  Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Dr Maxamed Nuur Gacal iyo Labadiisa ku-xigeen.

Xubnahaan ayaa gudoomiyaha u sheegay in ay dulduleelo ay ka jiraan hanaanka loo wajahayo doorashadda Madaxweynaha Cusub ee maamulka Galmudug,islamarkaana loo baahan yahay in dib loo dhigo xiliga doorashadda Madaxweynaha Galmudug la qabanayo.

Waxa ay ka dalbadeen Gudoomiyaha in fursado loo siiyo in ay la kulmaan Xildhibaanadda Cusub ee Baarlamaanka Maamulka Galmudug, si ay ugu bandhigaan qorshaha kaga dagan Galmudug hadii ay guuleystaan.

Dhanka kale Guddoonka Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa kulamo la qaatay Musharax Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor oo la aamisan yahay in dowladda taageero ka haysto, iyo Taliyihii Hore ee Nabadd Sugidda C/raxmaan tuuryare.

Guddoonka Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa laga sugayaa in ay shaaciyaan waqtiga doorashadda Madaxweynaha mamulka Galmudug,iyadoo si weyn loo aamisan yahay in loolan adag uu dhexmari doono Mucaaradka iyo Dowladda Dhexe,madaama xubnaha musharixiinta Galmudug ay xisbiyo kala matalaan.

Dhismaha Maamulka Galmudug ayaa haatan u muuqa mid gaba-gabo ku dhow,waxaana indhaha lagu hayo sida Dowladda u maareyso doorashada Madaxweynaha Cusub ee Galmdug.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here