Xildhibaanadda Baarlamaanka Maamulka galmudug ayaa doortay goordhaweyd Gudoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Maamulka Galmudug.
Laba Musharax oo kala ah Dr. Maxamed Nuur Gacal iyo C/naasir Aadan Cusmaan ayaa ku tartamay doorashadda.
C/llaahi Axmed Calasow Shiine oo ahaa Musharaxii 3aad ee u tartamayay xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ayaa ku dhawaaqay inuu ka tanaasulay tartanka Doorashada Guddoonka Baarlamaanka.
Guddiga doorashadda ayaa sheegay in Musharaxii hela 3 meel labo meel ama cod hal dheeri ah uu ku guuleysanayo, sidaasna aan wareeg labaad la aadi doonin, haddii aysan codod xumaan
Xildhibaan Dr. Maxamed Nur Gacal ayaa ku guulaystay Gudoomiyaha Baarlamaanka labaad ee Dowlad Goboleedka Galmudug.
Dr Gacal ayaa helay 54 Cod halka, Cabdinasir Aaden Cismaan oo la tartamay uu helay 34 cod iyo hal cod oo halaabay.

