Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa Dowladda Soomaaliya ku eedeeyay in ay isku dayday in ay joojiso Khudbad uu u jeedin lahaa ardayda soomaaliyeed ee wax ka barata dalka Malaysiya.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshadda ayuu ku sheegay In safaaradda Soomaaliya ee Malaysia lagu wargaliyay in ay is hor istaag ku sameyso Khudbada C/raxmaan C/shakuur,iyadoo la adeegsanaya Booliska Malaysi.
“Dowladda Soomaaliya si ay u joojiso khudbad aan u jeedin lahaa ardayda Soomaaliyeed ee Malaysia ayaa safaaradda Soomaaliya ee Malaysia oo ka amar qaadnaysa Villa Somalia, waxay Booliska dalka Malaysia ku wargelisay in aan ahay danbiile baaritaan dalkiisa uga socda, Islaamka u gefey, fatwana la iga soo saaray, la iina diiday in aan dalal badan oo Islaam ah hadal jeedin ka sameeyo.”ayuu ku yiri qoraalkiisa Cabdiraxmaan Cabdishakuur.
“Waa sida ugu foolxun oo awood dawladeed loogu takrifalo, iyo sida ugu liidata ee dan qaran dal kale looga jirto. Waxaa mahadda leh daddaalka ardayda Soomaaliyeed iyo garashada Booliska Malaysia oo suuragaliyey in hawhsii socoto, shirqool kii iyo isku daygii naflacaariga ahaa ee kooxda Vila Somalia uu fashilmo.”ayuu ku sheegay Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

