Dabley hubeysneyd ayaa duhurnimadii maanta waxa ay magaaladda muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ku dileen Sarkaal Ka tirsanaa Nabadd Sugidda Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Falkaan Toogashadda ahaa ayaa ka dhacay Xaafadda Taleex Degmadda Hodan ee Gobolka Banaadir.
Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal dhalinyaro bastooladdo ku hubeysnaa ayaa qeybaha sare ee jirka ka toogtay wiil dhalinyaro ahaa oo ku sugnaa Maqaayadda ku taala Xaafadaas.
Wiilka la dilay oo lagu magacaabi jirey Dhaayow Cusmaan Aadan ayaa la sheegay in uu ahaa Taliyihii Nabadd Sugidda Degmadda Qoryoole ee Gobolka Shabeelaha hoose,wuxuuna horey uga tirsanaan jiray Maxkamadihii Islaamiga.
Ragii dilka fuliyay ayaa goobta isaga baxsaday,waxaana hakad galay isku socodka dadka iyo gaadiidka.
Shabaab ayaa sheegta dilalka noocaan oo kala ah.

