Ciidamada Amniga Oo Caawa Howlgallo Ka Wada Magaalada Muqdisho Ayaa Qarxiyay Miinooyin Dhulka Lagu Aasay.
Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Gaashaan oo caawa howlgal qorsheysan ka wada xaafado ka tirsan dagmada Warta Nabadda ee Gobalka Banaadir ayaa qarxiyay laba Miino oo kuwa dhulka la galiya ah.
Afhayeenka Dowladda Soomaaliya Ismaaciil Mukhtaar Cumar ayaa Xaqiijiyay in Miinooyinka ay qarxiyeen ciidamada Gaashaan ayaa ku aasnaa dhulka, waxayna kooxaha argagixisadu doonayeen in ay ku laayaan shacabka Soomaaliyeed.
Xaafadda Baar Ubax ee degmada wartanabadda oo ah halka ay ciidamadu ku qarxiyeen miinooyinka ayaa waxaa ka socda howlgal qorsheysan oo sidoo kale lagu bartilmaameedsanayo rag la tuhunsayahay oo ka tirsan Al Shabaab.
Ciidamada Amniga ee dowladda Soomaaliya ayaa had iyo jeer u taagan ka hortagga dhagarta ay cadawga umadda Soomaaliyeed maalin kasta u soo maleegaan Al Shabaab oo baneystay daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah.

