Xubno Ka Tirsanaa Dowladda oo Ku Dhintay Qaraxii Isgoyska Sayidka+Magacyo

0

Labo kamid ahaa Shaqaalaha Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhintay Qaraxii saakay ka dhacay Isgoyska Sayidka ee Magaaladda muqdisho.

Qaraxa ayaa ka dhacay goob mashquul badan oo lagu baarayay gawaarida aada dhanka Madaxtooyadda Soomaaliya.

Bile Ismaaciil iyo Cabdirashiid Shiraar oo ka tirsanaa shaqaalaha Dowlada Soomaaliya ayaa ku dhintay qarixii maanta ka dhacay Bar Control oo ku taalla Isgoyska Sayidka ee Magaalada muqdisho.

Bille waxa uu ahaa Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda Wasaaradda Haweenka iyo horumarinta xuquuqul Insaanka Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa qaraxa ku dhintay Cabdirashiid Shiraar oo ka mid ahaa lataliyaasha Xafiiska Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in qaraxa ay ku dhintay 3-ruux,halka dhaawaca uu gaarayo 14-ruux oo shacab u badan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here