Ciidamada amaanka dowladda Kenya ayaa sheegay in ay toogasho kudileen Laba xubnood oo katirsan Al-shabaab kuwaasi weerar kageeystay xadka waddamada Somalia iyo Kenya weerarkaasi oo ay kudleen afar ruux oo lasheegay in ahaayeen arday sida ay qorayaan warbaahinta dalka Kenya.
Weerarka ayaa kadhacay meel udhaw halka loo yaqaanno saretho oo 25 kiilo mitir ujirta xerada qaxootiga ee dhadhaab ee dalka Kenya sida ay xaqiijiyeen booliska dalka Kenya.
Afhayeen u hadlay booliska Kenya oo lagu magacaabo Charles Owino ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ay dileen labo xubnood oo kamid ahaa kooxaha weerarka soo qaaday waxa uuna intaasi kudaray in kooxda weerarka soo qaaday ay iskudayayeen in ay burburiyaan qadka ay kuwada xiriirayeen ciidamada amaanka islamarkaana waxa uu intaasi kudaray in kooxda weerarka soo qaaday ay dileen 4 qofood.
Charles Owino oo ah afhayeen uhadlay booliska Kenya ayaa sheegay in goobta ay mashaqadu kadhacday ay gaareen ciidamada amaanka islamarkaan aad loo adkeeyay amaanka goobta ay wax kadhaceen oo udhaw xerada qaxootiga dhadhaab ee dalka Kenya.
Kenya ayaa ladaaladhaceysa weeraro kaga imaanaya dagaalyahannada alshabaab oo mudooyinkii udambeeyay kordhiyay weerarada ay kuqaadayaan saldhigyada ay ciidamada Kenya kuleeyihiin xadka wadamada Somalia iyo Kenya.
dhawaan ayay aheyd markii xubno katirsan Alshabaab ay weerar xooggan kuqaadeen saldhig ciidamada millatariga mareykanka iyo kuwa Kenya ay kuleeyihiin magaalo xeebeedka laamuu oo dhacada xadka wadamada Kenya iyo Somalia saldhigaasi oo lagu magacaabo manda Bay islamarkaan waxaa kudhintay askar katirsan millatariga mareykanka.

