Maxkamadda Derejada kowaad ee gobolka Bari, ayaa maanta u fariisatay dacwadda odayaal lagu eedeeyay in ay dhaliileen Xukuumadda madaxweyne Saciid Deni.
Odayaasha ayaa la sheegay in ay ka hor yimaadeen Heshiisyo Maalgeshi oo ay kula jirto Puntland shirkado laga leeyahay waddanka Imaaraadka Carabta.
Odayaasha Maxkamadda la horgeeyay ayaa kala ah Nabaddoon Diraac Yuusuf Buuxe, Nabaddoon Cawad Maxamed Faarax, Nabaddoon Maxamuud Axmed Rooble,Nabaddoon Cabdicasiis Axmed Maxamed (Baydhabo) iyo Siyaasi Muuse Cali Jaamac ayaa mudda bil ah lagu hayay xabsiga weyn ee magaalada Boosaaso.
Intaas kadib Maxkamadda ayaa odayaasha ku eedeysay kicin-dadweyne iyo difaaca Qareennada u doodaya, waxay go’aamisay in mar kale kiiska loo fariisto maalinta Axadda ah ee todobaadka soo socda.

