Hay’adda Nabadd Sugidda iyo Sirdoonka qaranka Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in qaraxii ka dhacay sabtigii isgoyska EX-koontarool afgooye ee magaalada muqdisho, uu qorshayntiisa lahaa Dal shisheeye.
Qoraal kasoo baxay Nisa oo lasoo dhigay barta Twitter-ka ayaa lagu sheegay, in qorshaha qaraxaas laga soo abaabulay dal shisheeye,islamarkaana baaritaanka uu wali socda, madaxda qarankana loo gudbiyay xogtaan.
“Waxaan madaxda qaranka ugudbinay, warbixin bilow ah oo tilmaamaysa in Xasuuqii Shacabka Soomaaliyeed loogu gaystay Muqdisho, 28-Dec-2019, uu qorshayntiisa lahaa Dal shisheeye. Baariitaanka socda si loo dhamaystiro, waxaan la kaashan doonnaa Hay’adaha sirdoonka Caalamka qaarkiis.
Dowladda imaaraatka carabta ayaa lagu eedeeyay in ay ka dambeesay qaraxii dhawaan kadhacay isgoyska EX-koontarool afgooye ee magaalada muqdisho.
Qaar kamid ah warbaahinada caalamka ayaa qoraya warbixino muujinaya in dowlada dalka imaaraatka ay ku lug laheyd qaraxii dhawaan ka dhacay isgoyska Ex-koontarool afgooye,.
Qaar kamid ah warbaahinnada dalka turkiga ayaa sheegay in dowlada dalka imaaraatka carabta ay kadambeesay weerarkii sababay dhimashada 79 qofood oo shacab ah iyo sidoo kale dhaawaca tiro kabadan 100 ruux,

