Axmed Madoobe oo Loo Tababarayo Ciidamo u Qabta Degmooyina DFS Maamusho+Dhageyso

0

Dowladda Kenya ayaa Xuduud Beeneedka Soomaaliya iyo Kenya ka Bilowday Dhismaha Xeryo lagu Tababaryo Maleeshiyo Beeleed la sheegay inay daacad u yihiin Maamulka Jubbaland kuwaasi oo loogu Talogalay in la Wareegaan Gacan ku heynta Deegaanada Dowladda Soomaaliya ay ka Maamusho Gobalka Gedo.

Ciidamada Kenya ayaa Bilaabay Xareynta Maleeshiyaadkaan sida la sheegay qaarkood laga soo aruuriyey Deegaano ka tirsan Gobalada Gedo iyo Jubba Hoose waxaana lagu tababarayaa Xero Ciidan oo la sameeyey Duleedka Magaalada Mandheera iyo Degamada Ceel-waaq kuwaasi oo sida la sheegay ay Tababarayaan Saraakiil Kenyaati ah oo aan ka tirsaneyn Ciidamada AMISOM.

Mas’uuliyiinta Gobalkaasi ayaa walaac ka muujiyey Ciidan Beeleedkaana ay Tababareyso Dowladda Kenya waxaa ayna ku Tilmaameen Tilaabo abuureysa qalqal Amni Daro iyo Iska Horkeen Bulsho waxaa ayna Dowladda Federaalka ugu baaqeen inay Si deg deg ay Arintaasi uga Hor tagto.

Gudoomiye Ku xigeenka dhanka Arimaha Bulasha ee Gobalka Gedo Axmed Barre Sheikh Cabdulaahi ayaa sheegay inay Walwal Xoogan ka muujiyey hab dhaqanka Ciidanka Kenya ee Gobalka Gedo.

Dhaqdhaqaaqaan Cusub ee Ciidamadda Dowladda Kenya ayaa ku soo aaday Xili uu Khilaaf Xoogan ka Taagan yahay Maamulada Degmooyinka Gobalka Gedo oo qaarkood ay soo gaareen Magaalada Muqdisho si ay qeyb uga qaadaan Qorashaha lagu soo dhisayo Maamulka Jubbaland.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here