Waxgaradka labadii beelood ee horaantii bishan ku wada dagaalamay Deegaanada Towfiiq iyo Afbarwaaqo ee Bariga Gobolka Mudug ayaa waxay kala saxiixdeen heshiis dhawr qodob ka kooban.
Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoga Dalka Somaliya iyo Taliyaha Ciidanka Qeybta 21 aad ayaa Goobjooge ka ahaa Heshiiskaan oo lagu dhameynayo colaado ka taagnaa Degaanada Afbarwaaqo iyo Towfiiq oo dhaca Bariga Mudug, Odayaasha labada dhinac ayaa Ku heshiiyay qodobada hoos Ku xusan .
- in la dhiso ciidamo isku dhaf ah
- Gudi Odayaal ah oo ka kooban 10 Xumnood,
- in Si Nabad ah ay uwadda daaqaan Xoolaha Dadka ree Guuraaga ah
- in qofkii qof kale dila lagu Xukumo Dil Toogasho ah
- In Reerkii reer kale ku duulaa Dowladda Somaliya ay la wareegi doonto,
Sidokale Saraakiisha Ciidanka Xoog Dalka Somaliya Ee Ku Sugan Degaanadaas ayaa kor meeray Dhamaan Meelihii laga kala qaaday Ciidanka Beelaha Dagaalamay.
Heshiiskan ayaa Ku yimid juhdiga Ciidamada qalabka sida iyo xalka odayaasha deegaanka oo udub dhexaad u ah in nabadan la gaaro.





