Ciidamadda Nabadd Degmadda Baladxaawo ee Gobolka Gedo, ayaa Gacanta ku dhigay rag lagu tuhmaayo in ay ka Tirsan yihiin Al-shabaab iyo rag kale oo ku eedeysan inay ka ganacsanayeen Maandooriyaha Xashiishka.
Howlgalka lagu soo qabtay xubnahaan ayaa ka dhacay Tuulada Hareeri tuure Degmadda Baladxaawo ee gobolka Gedo.
Xubnaha howlgalka lagu qabtay waxaa kamid ah Nin lagu Magacaabo Xareed Muxumed, kaas oo si dhuumaaleysi ah ku joogay Tuuladaas,islamarkaana lagu tuhmaayo in uu ka tirsan yahay Shabaab.
Taliyaha NISA ee Gobolka Gedo Cali Deyr ayaa sheegay in hawlgal gaar ah oo laga fuliyay Tuulada Hareeri tuure lagu soo qabtay Nin lagu Magacaabo Xareed Muxumed,,islamarkaana Maxkamadda loo gudbin doono.




