Dowladda Soomaaliya oo baaq Dirtay Labo Malleyshiyo beeleed oo Ku dagaalamaya degaanka Towfiiq.

0

Waxaa isi-soo taraya baaqyada loojeedinayo laba malleyshiyo beeleed oo ka soo kala jeeda degaanada maamulada Puntland iyo Galmudug kuwaas oo ku dagaalamaya degaanka Towfiiq ee gobolka mudug.

Beelahaan walaalaha ah, ayaa  dagaalkoodu waxaa uu qarxay saaka, inkastoo horay uu  u soo jiitamayay dagaalku, haddana waa uu socdaa wali dagaalku.

Dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa ugu baaqday in si deg deg ah ay beelahaasi u joojiyaan degaalka, ismaaciil Oronje  oo ah Afhayenka Wasaaraddda Warfaafinta ayaa ugu baaqay in ay si deg deg  ah ay u joojiyaan degaalkaas saaka kasoo cusboonaaday beelahaas walaalaha ah ee kasoo kala jeeda maamulada Galmudug iyo Puntland.

Afhayeenka ayaa sheegay in ay Dowladdu ku howlan tahay sidii ay u kala dhex gali leheed labada beelood ee dagaalamaya, waxaa uu sheegay in uu jiro dhaq-dhaqaaq ay waddo Dowladdu oo la doonayo  in lagu joojiyo dagaalka.

Inta badan  waxaa soo laalaabta degaalada u dhexeeya  malleyshiyo beeleedyada kasoo kala jeeda Maamulada Puntland iyo Galmudug, waxaana inta badan sababa dagaalada ka dhaca degaanadaas aanooyin qabiil.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here