Faah-faahin:-Al-shabaab oo Weerar Ku Dilay 10-ruux oo Kenyaan ahaa

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalyahano ka Tirsan Shabaab oo dad shacab ahaa ku laayay Gobolka Woqooyi bari ee dalka kenya.

Sida uu xaqiijiyay  Taliyaha booliiska deegaankaasi, Stephen Ng’etich, dagaalyahano ka Tirsan Shabaab ayaa jidka u galay gaari bas ay saarnaayeen dad kenyaan ah oo kusii jeeday magaaladda Mandheera.

Waxa uu sheegay in weerarka uu khasaare ka dhashay balse aan la ogeyn tiradda dhimashadda iyo dhaawaca.

Xarakadda Al-shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyadda weerarka ka dhacay Gobolka Woqooyi bari ee dalka Kenya,waxayna sheegeen in la dilay ugu yaraan 10-ruux.

Bayaan ay kooxda soo saartay oo lagu daabacy mid ka mid ah baraha ay internet-ka ku leeyihiin ayaa waxay lagu sheegay in bartilmaameedkoodu ahaa dadka aan muslimiinta ahayn ee gaariga Baska saarnaa.

Dhanka kale Dhacdadan ayaa ka dhacday isla wadadii 28 Kenyan ah oo Bas ku safrayay lagu dilay 5 snao ka hor.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here