Wararka aynu ka helayno Gobolka hiiraan ee Bartamaha Soomaaliya gaar ahaan Degmada Buulo Burte ayaa sheegaya in saaka uu ka billawday Banaanbax ballaaran oo ay dhigayaan Dadka degaanka, waxaana isku soo baxay dadweyne aad u badan.
Bannaanbaxa ayaa ah mid looga soo horjeedo wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle, wasiirka ayaa dhawaan degmada u soo magacaabay guddoomiye cusub tasoo keentay in ay shacabku ku kacaan, waxaana shacabka degmada Buulo Burte ay muujiyeen sida ay kaga soo horjeedaan maamulka cusub ee uu dhawaan usoo magacaabay wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha Maamulka Hirshabeelle.
Shacabka ayaa saaka ku hor bannaanbaxaya xarunta degmada, waxaana xirmay isku socodka degmada, dadweynaha isku soobaxay ayaa gubaya taayaro, sidoo kale waxaa ay ku dhawaaqayaan hadalo ka dhan ah maamulka Hirshabeelle, waxaana xaaladdu saaka ay tahay mid kacsan.
Banaanbaxaan ayaa imaanaya iyadoo maamulka Hirshabeelle gaar ahaan wasaaradda arimaha gudaha ay guddoomiye cusub usoo magacawday degmada Buulo Burte.

