Mareykanka oo Sheegay in La Duqeeyay Saldhig Shaabab Ku Sugnaayeen

0

Diyaaradaha Dowladda Mareykanka ayaa Duqeyn ka fuliyay Gobolka Jubadda Dhexe ee Koonfurta Dalka Soomaaliya.

Duqeyntaan ayaa ka dhacday 30-kii bishaan oo shalay ku beegneyd Degmadda Jilib ay gacanta ku hayaan dagaalyahanadda Xarakada Al-shabaab.

Qoraal kasoo baxay taliska Mareykanka ee Qaaradda Afrika ayaa lagu sheegay in Duqeynta lala beegsaday Saldhig Shabaab ay ku lahaayeen Degmadda Jilib, islaarkaana lagu dilay dhowr xubnood oo Shabaab ka Tirsanaa.

Taliska Afrikom waxa uu sheegay in dhimasho iyo dhaawac midna uusan so gaaray dadka shacabka ah.

Dowladda Mareykanka ayaa kordhisay mudooyinkii dambe duqeymaha ay la beegsato Saldhigyadda Shabaab iyo Daacish ee ku yaala Koonfurta dalka Soomaaliya,waxayna sheegtay in lagu dilay dhowr xubnood oo Shabaab ka tirsanaa.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here