Wasiirkii hore ee dib u heshiisiinta Mamulka Galmudug Cismaan Dheere oo la hadley idaacadda Simba ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya hadii ay dooneyso in ay ka guul keento Galmudug ay raacdo Qawaaniinta iyo xeerarka u yaala dadka Galmudug.
Waxa uu sheegay in Galmudug ay leedahay Dastuur iyo Nidaam islamarkaana la yaqaano qaabkii loo doortey Isagoo sheegay in mihiimadu ay tahay in nidaamkii galmudug lagu dhisey in la xaqdhowro lana ilaaliyo Nidaamkii 11 beelood ay wax ku qeybsanayeen.
Sidoo kale waxa uu sheegay in habraaca doorashadda loo maraayo ay ahaato mid cad oo la fahmi karo taas oo aan mugdi ku jirin Isagoo tilmaamey in hadii intaas la helo la helidoono maamul mideysan.
Wasiirkii hore ee dib u heshiisiinta Mamulka Galmudug dhanka kale waxa uu sheegay in guddiga farsmadda aysan shaqo ku laheyn habraaca loo dooranayo.

