Madaxweyne Farmaajo oo Kulan Isugu Yeeray Xisbiyada Siyaasadda

0

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), ayaa kulan isugu yeeray  Xisbiyada Siyaasada ee heysta shahaadada KMG.

Farriimo laga diray Madaxtooyada ayaa lagu wargeliyay Xisbiyada Siyaasadda inay isugu yimaadaan kulan uu Madaxweynaha la qaadan doono, kaasoo dhici doona maanta oo sabti ah.

Kulanka ayaa la sheegay in looga hadli doono arrimaha siyaasadda, gaar ahaan hannaanka doorashooyinka oo dowladda Federaalka dooneyso in la qaato nidaamka doorasho ee qof iyo cod ah.

Kulankaan ayaa daba socda kulan dhawaan Dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo iyo Madaxweynayaashii Hore Shariif Shiikh Axmed iyo Xasan Shiikh.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here