Banaanbax Ka Socda Magaaladda Muqdisho

0

Magaaladda Muqdisho waxaa haatan ka socda Banaanbax ay dhigayaan qaar kamid ah Wadayaasha Gaadiidka dadweynaha.

Banaanaxaan ayaa ka socda isgoysyadda Darjiinka, Fagax, iyo Towfiiq,waxaana halkaas lagu arkayaa qaar kamid ah wadayaasha gaadiidka oo cabasho muujinaya.

Qaar kamid ah wadayaasha Gaadiidka ayaa idaacadda Simba u sheegay in ay ka cabanayaan Lacago lagu soo rogay in ay bixiyaan oo markii hore loo daayay,kadib markii ay cabasho ka keeneen xirnaanshaha wadooyinka magaaladda Muqdisho oo dhibaato ku qabaan.

Waxa ay sheegeen in ay cabasho u gudbiyeen Taliska Booliska Soomaaliyeed,balse aysan helin jawaab,taasina ay keentay in maanta banaan-bax dhigaan.

Xirnaanshaha wadooyinka Magaaladda muqdisho ayaa caqabad ku noqday shacabka Magaalada,waxayna dowladda sheegtay in loogu hortagayo qaraxyadda Shabaab fuliyaan.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here