Maxkamadda CQS oo Dil Ku Xukuntay Mid Kamid ah Ragii Weeraray Xarunta Shiikh C/wali

0

 

Maxkamadda Ciidamadda Qalabka sida ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xukun dil ah ku riday mid kamid ah Alshabaab-kii weerarka ku qaaday Xarun ay ku noolyihiin Caruur iyo Haween oo ku taalla Magaaladda Gaalkacyo 26-11-2018.

C/laahi Cali Maxamed oo dhanka Shabaab looga yaqaanay Maxamed ayaa la sheegay in uu kamid ahaa ragii weerarka ku qaaday Xarunta Shiikh C/wali ee Magaaladda Gaalkacyo, waxaana shalay lasoo gaba-gabeeyay dhageysiga kiiskiisa.

Waxa uu sheegay in muddo shabaab kamid ahaa,islamarkaana uu ka qeyb qaatay weeraro dhowr ah,balse lagu qabtay weerarkii Xarunta Shiikh C/wali ee Magaaladda Gaalkacyo.

Weerarkaas waxaa ku dhintay in ka badan 15-ruux oo uu kamid ahaa Shiikh CabdiWeli Shiikh Cali Cilmi Yare wadaadkii xarunta lahaa ee la weeraray.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here