Madaxtooyadda oo Ka Hadashay Kulanka Farmaajo iyo Madaxweynayaashii Hore

0

Madaxtooyadda Jamhuuiyadda federaalka Soomaaliya ayaa war kasoo saartay kulanka la Sheegay in uu dhexmari doono madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo),iyo Madaxweynayaashii Hore Xasan Shiikh maxamuud iyo Shiikh Shariif Shiikh Axmed.

Agaasimaa Warfaafinta madaxtooyadda Soomaaliya C/nuur Maxamed oo qoraal soo dhigay bartiisa bulshadda ayaa sheegay in kulanka uu maanta dhici doono,islamarkaana loogu hadlayao sidii ay u dhici laheyd doorashadda sanadka 2021-ka.

“Kulanka maanta ay yeelanayaan Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweyneyaashii hore Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Mudane Xasan Sheekh ajandihiisa ugu muhiimsan waa arrimaha doorashooyinka 2020 iyo sidii ay Xukuumadda ugala shaqeyn lahaayeen in hannaan doorasho oo hufan oo qof iyo cod ah ay dalka ka dhacdo, awooddana dib loogu celiyo shacabka Soomaaliyeed si ay u doortaan madax iyo xildhibaanno iyaga si toos ah wakiil uga ah”a ayuu yiri Agaasime Cabdinuur.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here