Al-shabaab oo Sheegay in ay Dileen Sarkaal Ka Tirsan AMISOM

0

Al-shabaab ayaa sheegay in ay dileen Sarkaal Ka Tirsanaa Ciidamadda Uganda ee qeybta ka ah Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.

Sarkaalkaan ayay shabaab Sheegeen in uu hogaaminayay Ciidamo ka Tirsan AMISOM oo Qarax Lagula eegtay Maanta wadada xiriirisa deegaanka Golweyn iyo degmada Buula Mareer ee Gobolka  Shabeelaha Hoose.

Warbaahinta Shabaab ayaa baahisay in qaraxa lagu dilay Sarkaal ka Tirsanaa Ciidamadda AMISOM gaar ahaan kuwa Uganda, gaar ahaan qeybta Miino Baarista.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay AMISOM oo Loogu hadlaayo qaraxa shabaab ay sheegeen in lagu dilay Sarkaal ka tirsanaa AMISOM gaar ahaan kuwa Uganda.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here