Amiirka Shabaab oo Dowladda Sheegtay in uu Kansar ku Dhacay oo Muuqaal Kasoo Muuqday+Sawirro

0

Al-shabaab ayaa baahiyay Muuqaalka Hogaamiyahooda, iyo Dagaalyahanadii weeraray Saldhiga Ciidamadda Mareykanka ee Deegaanka Bali-doogle ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Mu’asasada Alkataa’ib garabka warbaahineed ee Xarakada Al-Shabaab ayaa soo saartay Muuqaal la daawan karo in ka badan 50 daqiiqo kaas oo lagu faaqidayo Weerarkii Al-shabaab xerada ugu weyn ee ciidamada Mareykanka ay ku leeyihiin Soomaaliya dabayaaqadii bishii Sept ee la soo dhaafay.

Sidoo kale Flimka ayaa lagu soo bandhigay tacadiyada uu Mareykanku Shacabka ku nool Soomaaliya waxaana ka soo muuqanaya dhibanayaal dhowr ah oo eheladooda ku waayay duqeymaha uu Mareykanku ku hayo dadka Soomaaliyeed.

Amiirka Al-shabaab ayaa Fariin u direy Shacabka mareykanka wuxuuna sheegay in ay guran doonaan miraha wiilashooda ay u soo direyn Soomaaliyeed.

Dhanka kale waxa uu sheegay in Dowladda uu hogaamiyo madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo ay ku fashilantay hogaaminta,islamarkaana garab ka hesho Dowladda Mareykanka.

Gaba-gabadda Muuqaalka Flimka ayaa waxaa kasoo muuqanaya Hogaamiyaha Shabaab Axmad Cumar Abuu Cubeyda oo Sagootinaya Ciidamadii Weeraray Saldhiga Bali-doogle ee Gobolka Shabeelaha hoose.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here