Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland waxa xalay ku geeriyooday taliyihii ciidamada booliska somaliland Sareeye Gaas Cabdilaahi Fadal Iimaan.
Alle ha u naxariistee Taliye Cabdilaahi Fadal ayaa mudooyinkii ugu dambeeyey lala tacaalayey xanuun uu la jiifay oo keenay inuu gudan kari waayo hawlihii qaranka ee uu u xilsaarnaa.
Taliyihii ciidamada booliska somaliland sareeye Gaas ayaa mudadii uu hogaaminayey ciidamada booliska somaliland waxa uu gaarsiiyey horumar muuqda oo lagu xusuusan doono.
Taliye Cabdilaahi Fadal ayaa hogaaminayey ciidamada booliska somaliland tan iyo sanadkii 2012 ka dib markii uu geeriyooday taliyihii ka horeeyey marxuun Maxamed Saqadhi Dubad.

