Deni oo la Kulmay Xildhibaano Wakiil Ka ah Xildhibaankii Su’aalaha Kulal Weydiiyay

0

In ka badan 20 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Puntland ayaa kulan Kula qaatay Qardho Madaxweyna Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

Xildhibaanadda ayaa Madaxweynaha u waday dhambaal raaligelin ah oo ku saabsan arrinta Xildhibaan Cawil Xasan Daad.

Mudaneyaasha ka tirsan Baarlamaanka waxay Madaxweynaha u cadeeyeen in hab-dhaqankii ka dhacay Furitaankii Kalfadhiga 45-aad ee Baarlamaanka Puntland, ay ahayd waxaan u qalmin Dowladnimada Puntland ee 21-sano jirsatey.

Waxay Xildhibaanadu Madaxweynaha u gudbiyeen dhambaal raali-gelin ah iyagoo codsaday in la cafiyo Xildhibaan Cawil Xasan Daad, Xeer illaalintu’na ay la laalabato Dacwadda ay ka gudbisay Xildhibaanka.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo si qoto dheer u dhegaystay Mudaneyaasha Baarlamaanka ee Qardho ugu yimi arrintan darteed, isla markaana tixgelinaya codsiga mudaneyaasha wuu ka aqbalay codsi’gaasi.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here