Al-shabaab ayaa bilaabay olole lagu carabiyaynayo dadka si ay u bartaan Luqadda Carabiga oo muhiim u ah barashada diinta islaamka.
Barnaamijkaan ayaa laga hirgalinayaa Deegaanadda Jubooyinka ay gacanta ku hayaan Xarakadda Al-shabaab.
Sheekh Max’med Abuu Cabdalla oo ah waaliga Jubbooyinka oo ka qeyb gelayay munaasabad lagu furiyay mashruuca dadka luqadda carabiga lagu barayo ayaa bogaadiyay tallaabadan.
Deeganadda Al-Shabaab ay Maamulaan ayaa boorarka lagu dhejiyo dukaamadaha ganacsiga iyo iskuullada waxaa lagu qoray luqadda Carabiga taas oo qeyb ka ah dhiiri gelinta barashada Luqadda Carabiga.

