Shabaab oo Dilay Labo Kamid ah Dagaalyahanadooda ay Doonayeen in ay Soo Furtaan

0

Al-shabaab ayaa weerar culus ku qaaday saldhig ay ciidamada booliska Kenya ku leeyihiin degmadda  Wajeer saldhig ciidamada booliska Kenya ay kuleeyihiin dadajabula oo katirsan magaalada  wajeer qiyaas ahaan magaalada neyrobi waxa ay  ujirtaa 683 kilomitir.

Maamulka degmada  wajeer waxa ay sheegeen in kooxo hubeysan ay weerar kusoo qaadeen saldhiga dadajabula oo qiyaastii 13 kilomitir u jira xadka kalaqeybiya wadamada Somalia iyo Kenya waxa ayna intaasi kudareen in ragga hubeysan ay wateen qoryaha loo yaqaanno AK47 isllamarkaana ay adeegsanayeen intii uu socday weerarka ay kusoo qaadeen saldhiga booliska dadajabula oo kuyaalla degmada wajeer.

Booliska Kenya ayaa usheegay wargeyska daily nation ee kasoo baxa dalka in weerarkan ay alshabaab kudoonayeen in ay kusoo furtaan labo kamid ah dagaalyahannada alshabaab uu kuxirnaa saldhiga ay alshabaab weerarka kusoo qaadeen sida uu qoray wargeyska.

Afhayeen u hadlay booliska dalka Kenya ayaa usheegay warbaahinta sidatan

“Weerarku waxa uu laxariiray in ay furtaan labo kamid ah dagaalyahannada alshabaab oo looga shakiyay in ay katirsanaayeen alshabaab kuwaasi oo ku xirnaa saldhiga booliska dadajabula”,booliska Kenya waxa ay sheegeen in weerarka ay kudhaawacmeen xubno kamid ah ciidamada booliska Kenya wallow aysan shaacin tirade dadka kuwaxyeeloobay weerarka ay lashabaab kuqaadeen saldhiga booliska dadajabula oo kuyaalla magadala wajeer ee waqooyi bari dalka Kenya,alshabaab ayaa lasheegay in ay dileen labo kamid ah dagaalyahanadooda kuwaasi oo kuxirnaa saldhiga booliska dadajabula ee kuyaalla magaalada wajeer ee waqooyi bari dalka Kenya.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here