Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidanka qalabka sida ayaa saaka xukuno kala duwan ku riday eedeysanayaal loo haysto falal argagixiso.
Cali Axmed Guure (Qoyane) iyo Nuur Ibraahim Mahad Alle ayaa lagu wada xukumay dil toogasha ah halka Cabdirxmaan Sheikh Cilmi Cawaale gudoomiyihii degmada Maxaaas lagu xukumay xabsi daa’in.
Mas’uuliyiintaan ayaa loo haystaa eedeymo ku aadan Qarax uu ku dhintay Gudoomiye Ku xigeenkii arrimaha amniga iyo Siyaasadda Degmada Maxaas Rashiid Cusmaan Cabdi 19/04/2019,waxayna ku xirnaayeen mudooyinkii dambe Magaaladda muqdisho.

