Al-shabaab oo Badda ku Weeraray Ciidamo Ka Tirsan Kuwa Dowladda

0

Al-shabaab ayaa ka hadlay Dooni ay la socdeen Ciidamo ka tirsan Kuwa Dowladda Soomaaiya oo ku Degtay xeebaha magaalada Marka ee Shbeelaha Hoose.

Warbaahinta Shabaab ayaa baahisay in weerar  badgal ah ay udhigeen Doon ka amba baxday magaalada Muqdisho kunasii jeedday magaalada Marka.

“Shabaab  ayaa weerar Kamiin ah badda gunteeda ugu dhigay Ciidamo katirsan Dowladda xiili ay Doon ku safrayeen Alle fadligiis waxaa suurtagashay in Baasuukayaal ay lahelaan doonta taas oo sababtay in ay rogmato” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.

Sidoo kale shabaab waxa ay sheegeen in Doontan degtay lagu weeraray inta udhaxaysa deegaanka Jaziira iyo magaalada Marka gaar ahaan meel dhanka Bari uga beegan Xarunta Shabeelaha Hoose.

Al-shabaab waxa ay sheegeen in weerarkaan lagu dilay illaa Afar askari oo katirsan guutada 14-ka Oktoobar iyadoona askarta qaar oo biyaha badda ku haftay lasoo badbaadiyay.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here