Kenya oo Sheegtay in ay Doonayso in Wada-hadal Lagu Xaliyo Muranka Badda

0

Dowaladda Kenya ayaa mar kale shaacisay in ay doonayso in wada-hadal lagu dhameeyo muran Badeedka u dhaxeeya dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Wasiirka Arrimaha Dibada Kenya Monica Juma ayaa laga soo xigtay in ay doonayaa in xal aan Maxkamadd aheyn lagu xaliyo muranka Badda labadda dal.

Waxa ay sheegtay in dowladda Kenya ay ku howlan tahay sidii loo heli lahaa meel ka baxsan Maxkamadda si loo gaaro xal buuxa.

Maxkamadda ICJ ayaa dhawaan labo bil dib u dhigtay kiiska Muranka Badda ee dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Dhanka kale Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Soomaaliya Dr. Axmed Cali Dahir ayaa sheegay in Dowladda Kenya ay qarka u saaran tahay inay ka baxdo dacwadda ay ku sheeganeyso badda Soomaaliya.

Isagoo la hadlayay warbaahinta ayuu sheegay Axmed Cali Daahir in Kenya ay qarka u saaran tahay in ay isaga baxdo dacwadda ay ku sheeganeyso badda Soomaaliya.

Kenya ayaa dalbatay dhawaan in dib loo dhigo dacwadda ay ku sheeganeyso badda Soomaaliya ee ka furan ICJ,si ay u qorato qareenno cusub oo difaaca.

Kulan Guddiga Amniga iyo Nabadda Afrika ku yeeshay Addis Ababa,ayay Kenya ka sheegtay inay dooneyso in dacwadda Badda Soomaaliya ee ay Kenya sheeganeyso lagu xalliyo wadahadal, dibna loo dhigo si ay u qorato qareenno iyo xooggan oo difaacda.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here