Qarax gaari lagu xiray ayaa Goordhaweyd ka dhacay Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
Jugta qaraxa oo meelo kala duwan laga maqlay ayaa ka dhacday meel ku dhow Xabsiga Dhexe ee Magaaladda Muqdisho.
Sida naloo xaqiijiyay qaraxa waxaa gaarigiisa loogu xiray sarkaal ka tirsan ciidanka booliiska Dowladda Soomaaliya kaas oo lagu magacaabo Mohamed Doore,wuxuuna ku sugnaa xiliga uu qaraxa dhacayay meel ku dhow Kaalin Shidaal oo u dhaw xabsiga dhexe ee Magaaladda Muqdisho.
Sarkaalka qaraxa gaariga loogu Xiray ayaa la sheegay In dhaawac uu soo gaaray,islamarkaana loo qaaday goobaha caafimaadka.

