Shabaab oo Fursad Kale ay Isku Diiwaan Galiyaan Siiyay Ergooyinkii Doorashadda

0

Al-shabaab ayaa waqti kale siiyay in ay isku soo diiwaan galiyaan Ergooyinkii soo xulay Xildhibaanada Baarlamaanka Federalka Somaliya, kadib markii waqtigii Shabaab ay u qabteen ay uu shalay ku ekaa.

Warbaahinta Shabaab ayaa baahisay in muddo 10-cisho ah in loogu daray Ergooyinkaasi inay isaga diiwaangeliyaan deeganada Shabaab ay Maamulaan ee Gobolada dalka Somaliya.

Shabaab waxa ay sheegeen Ergooyinka isdiiwaangeliyay inay gaarayaan 635, balse deeganada Shabaab ay Maamulaan ay ku sugan yihiin 213 Ergo.

Horey waxaa isku diiwaan galiyay ergooyin ka kala yimid Maamulada Hirshabelle, Koonfur Galbeed,Jubbaland & Galmudug.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here