Axmed Madoobe oo Bilaabay in uu Xabsiga Dhigo Xubnihii Kasoo Horjeeday+Dhageyso

0

Xildhibaan C/rashiid Xidig oo kamid ah Xildhibaanadda Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya dhawaana sheegay in uu yahay Madaxweynaha Jubbaland, ayaa sheegay in Maamulka Axmed Madoobe u bilaabay qorshe lagu ugaarsanayo xubnihii isbedel doonka iyo Qaar kamida Xubnihii la doortay.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshadda ayuu ku sheegay in la xiray madaxweyne ku-xigeenkii Labaad ee dhawaan uu magacaabay.

“Bismilaah:Asc, Dhamaan isbedel doonka Jubaland Waxaan idiin xaqiijinayaa inay bilaabatay Shirqoolo lagu ugaadhsanayo xubnihii isbedel doonka iyo Qaar kamida Xubnihii la doortay, golaha Baarlamaanka , Odoyaasha dhaqanka iyo Guud ahaan Shacabka isbedel doonka:

Waxaan idiin xaqiijinayaa inaanay marna hor istaagi karin geediga isbedelka Jubaland:

Dowlad kasta, Qof kasta iyo koox kasta oo kusoo duushana aan ka guuleysaneyno inshaalaah:

Balanteenu waa tii aan wada galay:

Amaana Alaah:

Dhanka kale Kaafiyo Cabdi faarax oo kamid ah Xildhibaanadda Maamulka C/rashiid Xidig oo la hadashay idaacadda Simba ee Magaaladda Muqdisho ayaa sheegtay in Ciidmadda amaanka Jubbaland ay xireen Madaxweyne ku-xigeenkii Labaad ee Maamulka C/rashiid Xidig.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here