Hay’adda Nabadd Sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliyeed ee (NISA), ayaa sheegtay in gacanta lagu dhigay nin ka tirsan Al-Shabaab oo ka qeyb qaatay qarax maalmo ka hor dhacay Magaaladda Muqdisho.
Qaraxa oo ka dhacay Degmadda Hodan ayaa lagu dilay Xoghayihii Hore ee Maamulka Gobolka Banaadir Mohamed Amiin.
Qoraal kasoo baxay hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in howlgal laga sameeyay Degmadda Yaaqshid lagu qabtay ninka ka tirsan Shabaab.
“NISA, ayaa howlgal qorshaysan kaga soo qabatay Deg. Yaaqshiid dhagarqabe ka qayb qaatay qaraxii lagu dilay Agaasime Mohamed Amiin. AUN. Gurigiisana waxaa laga soo qabtay aaladaha loo adeegsado qaraxyada” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo ay NISA soo dhigtay bogga Twitterka.

