Al-shabaab oo Ka Hadlay 3-Madaxweyne ee Lagu Doortay kismaayo

0

Xarakadda Al-shabaab ayaa war kasoo saartay doorashooyinkii ka dhacay Magaaladda Kismaayo ee caasimadda KMG ah ee Maamulka Jubbaland.

Sheekh Mohamed Abuu Cabdalla oo ah mas’uulka Al Shabaab ee Jubbooyinka ayaa markii ugu horraysay ka hadlay mowqifkooda ku aaddan sedaxda madaxweyne ee dhowaan lagu doortay magaalada Kismaayo.

Isagoo la hadlayay warbaahinta Shabaab ayuu sheegay  in ay dagaal lageli doonaan dhammaan kuwa sheegtay in ay madaxweynayaal ka yihiin maamulka isku magacaabay Jubbaland.

Abuu Cabdalla ayaa sheegay in kuwa sheeganaya madaxweynaha ay ka amar qaataan shisheeyaha, ayna joogaan labada degmo ee Afmadow iyo Kismaayo, cid kasta oo la doortana aysan jirin meel ay ku shaqeeyaan, wuxuuna caddeeyay inaysan waxba iska bedelin mowqifkooda, ayna sii wadi doonaan dagaalka iyo qaraxyada ay ku hayaan maamulkaasi.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here